Baarlabaanka Itoobiya oo ansixiyay in saldhig ciidanka Badda Itoobiya laga dhigo magaalada Baraawe.

Reading Time: < 1 minute

Maalin kaddib markii si qasab ah loogu doortay Cabdicasiis Lafta Gareen in uu noqdo madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa Baarlabaanka Federaalka Itoobiya ay ansixiyeen mooshin in lagu daro ciidamada Itoobiya in ay yeeshaan ciidanka Badda Itoobiya. Ciidanka Badda Itoobiya aya waxaa ay saldhigyo ku yeelan doonaan Soomaaliya waxaana lagu wadaa in la dhameeyo hirgelinta dhismaha saldhigga ugu horreeya kaasoo laga furi doono magaalada Baraawe ee dalka Soomaaliya, sida ku cad heshiiska ay wada galeen labada dal.

Ciidamada Badda Itoobiya aya waxaa sidoo kale ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada ilaaliya xeebaha Soomaaliya kuwaaso loo sameeyay ka hortagga burcad badeeda, waxaa xeebaha Soomaaliya hadda ku sugan 21 dal ciidamadooda badda kuwaasoo u badan ciidamo ka socda Midowga Yurub.

Baarlabaanka JFS ayaanan war iyo wacaal u hayn isla markaana aanan la horkeenin heshiiska ay RW Itoobiya Abiye Axmed iyo MW. Farmaajo wada galeen kaasoo sharciga uu qabo in la horkeeno golaha wakiilada si ay uga doodaan ama u diidaan ama u ansixiyaan. Heshiiskan ayaa waxaa uu noqonaya mid sharci darro ah, balse Itoobiya waa markii labaad oo ay si dadban u qabsato Soomaaliya.

Sanadkii 2006 ayaa waxa ay dalka ku soo galeen heshiis ay la galeen MW Cabdullaahi Yusuf. Isla sanadkaas aya waxaa dowladda Itoobiya dalka keentay ku dhawaad 30 kun oo ciidankeeda ah, balse ay isaga baxeen dhammaadkii sanadkii 2008 markii looga ataal roonaaday dagaalkii ay kula jiraan shacabka Muqdisho, MW Cabdullaahi Yusuf uu sidaa isku casilay.

Sida muuqata waxaa dalka Soomaaliya uu geli doonaa dagaal ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee la soo dhoobay magaalada Baydhabo waxayna Itoobiya qorsheyneysaa in ciidankaas la geeyo magaalada Baraawe bartamaha bisha Febraayo ee sanadka 2019