Baaritaano Xoogan oo ka socda Balcad

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka ay saakay baaritaan ka wadaan guud ahaan xaafaha ay ka kooban tahay degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in saakay aroortii ay arkeen ciidamo fara badan, kuwaasi oo taagan xaafadaha degmada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidamo xoogga ay saakay dad badan ka qabteen degmada Balcad, kuwaasi oo loogu shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in saakay guud ahaan la xiray wadooyinka soo gala degmada Balcad, iyadoona maanta ciidamada ay diidayaan isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan wadada isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe.