Reading Time: < 1 minute

Baaritaano ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka socdaan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaana baaritaankaa uu ku soo aadayaa xili Xalay Magaaladaa lagu dilay Gudoomiyhii Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Dilkaa ayaa waxaa ka dambeeyay shaqsiyaad ku hubaysnaa Bistoolado waxaana Dilka kadib ay isga carareen goobta uu falku ka dhacay waxaana Dilka ka dib goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland si ay gacanta ugu soo dhigaan ragii dilkaa ka dambeeyay.

waayihiii dambe Magaalada Boosaaso waxaa ku soo badanayay Dilalka qorshaysan waxaana  Magaalada lagu dilay Dad badan kuwaa oo isku jiray Maamul Degmo iyo Sarakiil wax badan ugu fadhiyay Dadka Degan Magaalada Boosaaso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here