BAAQ ku Wajahan Golaha shacbiga ee 9aad, Marqaatina laga Wada yahay.

Reading Time: 2 minutes

Ku: Galaha Shabiga Somaliya.                                                         =Muqdisho=

Ku : Goalaha Aqalka Sare.                                                                =Muqdisho=

Ku: Dhammaan Shacbiga Somaliyeed.                                             =Meelkasta=

Ku: Dhammaan Warbaahinta kala Duwan ee qeybaha Bulshada.  =Barahooda=

Ku: Madaxda Dowlad Goboleedyada                                                =Fadhiyadooda=

Ujeeddo: Baaq Ku Aaddan Dacwadda Baddeenna ee Nala ku haysto.

Iyadoo beryahanba ay soo baxayeen warar kala duwan oo welwel badan ku haya shacbiga Somaliyeed iyo cid kasta oo daneyneysa Somaliya ayaa waxay Muqdiho Online (MOL)

U soo jeedineysaa baaq ah in:

  1. Goalaha shacbiga oo loo dhisay inuu ilaaliyo danta, dalka iyo diinta inuu go’aan cad ka soo saaro arrinta dacwadda badda inaan wax ka badal dambe lagu sameyn ballanta Maxkamadda Caalamiga ah ee Juun 2020.
  2. In ay qaataan masuuliyadda ay u dhaarteen oo ah inay difaacaan Dhulka, Badda iyo Hawada Somaliya oo ay ku daydaan sida uu sameeyey Barlamanka Kenya.
  3. Inay cabsida, welwelka ka waaraan Shacbiga oo aan haysan war cad oo ku aaddan dacwadda badda.

Muqdisho Online waxay dhammaan warbaahinta Somalida, madaxda hadda joogtaa, madaxdii hore,  culimaa-udiinka, oday dhaqameedyada, haweenka iyo dhallinyada oo ah mustaqbalkii berito ka codsaneysaa inay baaqaan u gudbiyaan xildhibaan kasta, kuna cadaadiyaan inay go’aan cad ka soo saaraan arrinta Dacwadda Badda, kan oo ah masuuliyad qaran oo aan cidna loogu darnaaneyn Mucaarid iyo taageerayaalba.

MOL waxay waxaan si gaar ah uga codsaneynaa dhamaan warbaahinta Somaliyeed inay soo daabacaan maadaama uu baaqo dan qaran yahay.

Mahadsanidiin walaalyaal.

Muqdisho Online (MOL).

Muqdishonline @gmail.com

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!