Axsaabta Siyaasada oo war kasoo saaray Xaalada adag ee Muqdisho la geliyay (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Kulan Ay Isugu Yimaadeen Qaar Kamid Ah Xisbiyada Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira Ayaa Lagu Falanqeeyay Xaaladaha Amniga Siyaasada Dalka Iyo Doorashooyinka Dalka Ee La Filayo In Ay Qabsoomaan Sanadda 2020.

12ka Xisbi Siyaasadeed Ee Kulankan Muqdisho Ku Yeeshay Ayaa Dood Dheer Kadib Isla Garwaaqsaday Qodobo Ay Ku Sheegeen In Ay Yihiin Kuwa Saldhig U Noqon Kara Jiheynta Iyo Mideynta Umada Soomaaliyeed

Kadib Kulanka OO Ay Saxaafada Dibad Joog Ka Aheeyd Waxaa Warbaahinta La Hadashay Waxyaabihii La Isku Af Gartay Warbaahinta U Aqrisay Xildhibaan Fowsiya oo Laheyd Qaban Qaabada Shirka

Axsaabta Kulmay Ayaa Xukuumada R/wasaare Kheeyre Ugu Baaqay In Ay Daadajiso Nidaamka Doorashooyinka Una Gudbiso Golaha Shacabka Si Ay Kaga Doodaan

Waxaa Sidoo Kale Xisbiyada Kulmay Ay Ku Baaqeen In Ay Muhiim Tahay In Doorashada La Filayo In Ay Dhacdo Sanada 2020 Aysan Ka Dib Dhicin Waqtigeeda

Sikastab Ha Ahaatee Kulankan Ayaan Aheeyn Kii Ugu Horeeyay Ee Muqdisho Ay Ku Yeeshaan Qaar Kamida Xisbiyada Siyaasadeed Ee Dalka Balse Waa Kulankii Ugu Horeeyay Ee Lagu Lafo Guro Arrimaha Amaanka Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Doorashooyinka La Filayo In Ay Dhacaan 2020.