Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Duqa degmada Garoowe oo ay ku tartameen musharixiin farabadan.
Doorashada ayaa ugu dambeyn goordhow la soo gaba gabeeyey,waxana 18 Cod ku guuleysatay inuu duqa degmada Garoowe noqdo Axmed Siciid Muuse (Axmed barre)
Sidoo kale Duqa Cusub waxaa doorashada kula tartamay Axmed Abshir Jaamac (Bakuuke) oo helay 9 Cod