Axmed Madoobe ” Shabaab Waa Inaan Ka Saar Deeganada Ay Gacanta Ku Hayaan Ee Katirsan Jubbaland

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu saraakiisha Ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee ku sugan jubooyinka iyo kuwa Jubbaland ku amray ay furaan wadooyinka ay go’doomiyeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in Wadooyinkaas xiran loo furo dadweynaha beeraleyda ah si ay u isticmaalaan markii ay Kismaayo u soo safarayaan,isla markaana laga qaado Difaaca ku go’doosan.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland amarka kasoo baxay ayaa waxaa warbaahinta u sharaxay Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xooga ee dowlada u qaabil jubbooyinka.

Waxaa uu sheegay in uu jiro howlgal dhawaan ay qaadi doonaan Ciidamada iskaashanaya ee dowlada, AMISOM iyo kuwa Jubbland,isla markaana Al-Shabaab looga saari doono deegaano ku dhow Baar-sanguuni halkaasi ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Jubbland ayaa waxa uu ku soo aadaa xili Al-shabaab ay go’doomiyeen Wadooyin muhiim ah oo ka tirsan Gobolada Gedo iyo jubooyinka,kuwaasi oo ay isticmaalan dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.