Axmed Madoobe oo si ula kac ah u bahdilay Cumar Finish

Reading Time: < 1 minute[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo Muqdisho uga qeybgalay xaflada soo dhaweyn madaxda maamulada ayaa “si aan ku talogal ahayn” ula falgalay doodda maqaamka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo qaban-qaabiyey munaasabadan uu goobjoog ka ahaa gudoomiye Cumar Maxamuud Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Axmed Madoobe oo ku jira madaxda saxiixdey heshiiska doorashooyinka 2020-21 ee loo gudbinayo baarlamaanka federaalka ayaa si cad u sheegay in Beesha Hawiye aysan isku koobin magaala madaxda wadanka.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Galmudug iyo HirShabelle ayaa kol hore isku ekeysiiyay in ay kaliya iyaga u doodayaan maqaamka Muqdisho, waxaana ay lugaha u geliyeen qabyaalad.

Intii uu hadal-jeedinta waday, Axmed Madoobe ayaa adkeeyay in maqaamka Muqdisho ay muhiim tahay in loo maro hanaan sharci ah taasoo la macno ah in baarlamaanka kasoo saaro xeer, sida dastuurka dhigayo.

“Magaalada Muqdisho waa caasimada Soomaaliya, warkaa hawiyow aad u dhageysta, caasimada Hawiye dadka kama xigo. Waa magaalada aan kusoo koray oo aan wax kusoo bartey, ragga qaarkii way iiga sii dhow yihiinba. Caasimada Muqdisho waa in ay yeelato maqaam sharci ah oo ay metelaad ku leedahay. Caasimada Muqdisho uma baahna gudoomiye loosoo magacaabo, uma bahana nin kolba la bedelo, waxay u baahan tahay [gole degaan], maamul iyo dhaqaale ay dadka wax ugu qabato,” ayuu ka dhawaajiyey.

Kalsooni ayuu ka muujiyey in arrinta gobolka Banaadir, doorashada soo aadan iyo kala guurka siyaasadeed lagu maareyn doono qaab nabdoon.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid uu kaga digayo in la qab-yaaladeeyo qadiyada ku saabsan in gobolka Banaadir uu helo metelaadiisa rasmiga ah taasoo dastuurka dhigayo qaanka loo maareynayo.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ee waqtiga uu gabaabsiga ka yahay ayaa isku dayday in ay qaab siyaasadeysan u meelmariso kuraas gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, balse waa ay ku guuldareysatay.