Axmed Madoobe  oo Nairobi  Abaabul Siyaasadeed ka Wada iyo Arinta dastuurka oo uu soo Faragaliyay??

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)ayaa casho sharaf u sameeyey Gudiga madaxa banaan ee Dastuurka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Gudiga la socodka dib u eegista Dastuurka ee labada aqal ee golaha shacabka Soomaaliyeed oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Axmed Madoobe  Madaxweyne, ayaa labada gudi kula dardaarmey in la dardar galiyo dhameystirka Dastuurka sidoo kalena laga feejignaado in Dastuurka la xado ama dano gaar ah lagu saleeyo dhameystirkiisa.

Sida Muqdisho online ay u xaqiijiyeen ka qeeybgalayaal kullankaasi Waxaa uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku wargliyay masuuliyiinta uu la kulmay in Madaxweynaha iyo R/wasaarahu wadaan Burburin Maamul Goboleedyada waxuuna ugu baaqay in ay Go’aan ka gaaraan.

Xalay ayay aheyd Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu sidoo kale la kulmay Xildhibaanada Soomaalida ah ee ka tirsan Baarlamaanka Kenya.

Waxaa hadda Abaabulka ugu weeyn ee ka dhanka ah Kooxda Qiyaano qaran uu ka socdaa Magaalada Nairobi,waxaana Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan ka cabsi qabaa in dhankaasi laga soo maro islamarkaana laga burburiyo Qorshahiisa dalka qalalaasaha lagu galinaayo.