Axmed Madoobe oo la Ogaaday in Kaalin weeyn ka qaatay Siideeynta Qalbi dhagax!!

Reading Time: < 1 minute

Inkastoo si rasmi ah loo shaacin hadana waxaa saacadihii la soo dhaafay la isla dhexmarayay in la sii daayay C/kariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax oo sanad ka hor Dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Dowladda Itoobiya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda gacanta ka geysatay in la sii daayo Qalbi dhagax,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Dowladda Soomaaliya dadaal dheeraad ah ku bixisay in muwaadinkaasi la sii daayo.

Wararka kale oo la helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu Dowladda Itoobiya kala hadlay in la sii daayo C/kariim Sheikh Muuse Qalbi dhagax oo dhowaan uu kulla kulmay magaalada Adis-ababa.

Bishii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku booqday C/kariin Qalbi Dhagax goob aan la shaacin oo ka mid ah Addis Ababa, waxaana uu xilligaas uu ka codsaday dowladda Itoobiya inay sii deyso.