Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kullanka golaha amniga Jubbaland.
Kulankan oo ah mid dhowrkii biloodba mar la qabto waxaa maanta ka qayb galay Madaxweynaha Jubbaland yo masuuliyiin kale oo kasocday howlgalka AMISOM.
kulankan ayaa lagaga hadlaa xaaladaha amaanka ee heer Dowlad Goboleed xoraynta deeganada iyo qaabaynta howlgalada lagu qaadayo Al-Shabaab iyo sidii dhamaan dhinacyada ay qusayso ay doorkooda usoo bandhigi lahayeen iyo natiijada isla falgalka dhamaan dhinacyada howlaha amniga kala shaqeeya Jubbaland.
Maxamed Yuusuf Cumar Wasiirka Caddaaladda Jubbaland ayaa sheegay in sidoo kale kulanka looga hadlay sidii Garsoor loo geyn lahaa degaanadii dhawaan laga qabsaday Shabaab.