Axmed Madoobe oo ka hadlay qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey geerida Sheekh Cabdibdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha unaxariisto walaalkeen Sheekh Abdinaasir Xaaji Axmed oo gacan ka xaq daran ay ku dishay qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray.

Alle ha u naxariistee sheekhu wuxuu ahaa daaci si weyn u anfacay ummada Soomaaliyeed oo dacwada iyo khayrka ku faafin jiray guud ahaan dhulka Soomaalida isagoo Magaalada Kismaayo u yimid faafinta khayrka iyo baraarujinta bulshada.

Si gaar ah Waxaan tacsi ugu dirayaa ehelkii, qaraabadii iyo saxiibadii uu sheekhu ka baxay anigoo isagana rabi uga baryaya inuu janadii fardowsa ka waraabiyo” ayuu yiri Madaxweynuhu.