Axmed Madoobe oo Jooga Dalka Itoobiya iyo Kulamo uu Halka Ka Sameeyay

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee iska xaadiriya magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya kadib isbedelkii dalkaasi ka dhacay.

Axmed Madoobe oo booqasho qarsoodi ku tegay Imaaraadka ayaa u gudbay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo maalmo ka dib la kulmay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiyi Axmed.

Xafiiska Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulanka ay ku wehliyeen Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose Maxamed Warsame Darwiish iyo Wasiirka Cadaalada Dastuurka iyo Arimaha diinta Aadan Aw xirsi.

Ma jirin wax faafhaahin ay oo intaas dheer oo laga bixiyey kulanka Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!