Axmed Madoobe oo Dowladda Ku Eedeyay duminta Dalka

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka digay in Soomaaliya ay xilliggaan ay faraha la gasho Cakirnaan Siyaasadeed, islamarkaana waxyaabihii maamihii lasoo dhaafay soo baxaayay ay yihiin kuwo Soomaaliya dib u celinaya.

Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay Madaxda Soomaalida ay in waqti badan ku bixiyaan sidii Soomaaliya ay horumar u sameyn laheyd laakiin aysan waqti ku bixin wax dumin.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya maanta ay ku jirto Xaalad adag Maadaama Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay sheegeen in la xaday dastuurkii dalka u yaallay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay dag tahay in dowladda dhexe ay wax gaarsiiso Goboladda, islamarkaana ay ku mashquulsan tahay wax aysan Soomaaliya dani ugu jirin.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!