Axmed Madoobe Iyo Muqtaar Rooboow oo Sanado Badan ka dib Kulmay!!

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland waxaa kulan gar ah ku yeeshay wadaadka wada hadalka kula jira Dowladda Federaalka Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulankan labada dhinac dhexmaray ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay in Roobow kaalin uu ku yeesho Dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab, ee dhowaan Maamulka Jubbaland uu qorsheynayo inuu ka bilaabo degaanadiisa, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland.

Waxaa Muqtaar Roobow macluumaad ku saabsan qaabka loo wajihi karo Dagaalka ururka Al-shabaab uu siiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo saraakiisha ammaanka.

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa sheegay in wadaadka uu muhiim u yahay Dagaalka Dowladda Federaalka iyo Maamulada dalka ka jira ay kula jiraan ururka Al-shabaab iyo Kooxda yar ee Daacish.

Roobow ayaa maanta lagu wadaa inuu kormeer ku tago meelo ka mid ah magaalada, waxaana Kismaayo uu gaaray gelinkii dambe ee shalay, safarkiisa waxaa ku wehlinayay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/laahi.