Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa siweyn waxa uu uga hadlay cabasho dhawaan ka soo yeertay qaar ka mid ah Ganacsaatada suuqa Bakaaraha ee Magaalda muqdisho.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xidhibaanada Golaha Shacabka aan looga baahneyn inay kaliya lacagaha dadka laga qaado xisaabiyaan balse ay indhaha ku haayaan dadka lacagaha Canshuurta ah laga qaado ee aan amni heysan.
Waxa uu sheegay in Ganacsatada Suuqa Weyn ee Bakaaraha ay Canshuurta bixiyaan hadana la dhacayo oo at amnidarro ka cabanayaan.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayuu ugu baaqay inay isha ku hayaan,sila markaana loo baahan yahay in amni ay helaan Ganacsatadaas.