Axmed Ismaaciil Samatar oo weerar Afka ah ku qaaday Xukumada Muuse Biixi (VIDEO)

Reading Time: < 1 minute

Siyaasiga lagu magacaabo Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in qabyaaladii ugu xumeed ay ka jirto deegaanada Maamulka Soomaaliland taasna ay u wacan tahay xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay in ay isku howshay.

Waxaa uu Tusaalooyin usoo qaatay dhacdooyin badan oo deeganada Maamulka Soomaaliland ka dhacay kuwaasi oo uu sheegay in ay noqon karaan marqaati ah oo loo baahan yahay in la dheehdo.

Madaxweynaha ayuu ugu baaqay in arrintan uusan dhayalsan islamarkaana si wadajir ah looga hor-tago,waxaa uu xusay in hadii aan waxba laga qaban laga shalaayi doono.

Siyaasiinta ayaa qaba in Soomaaliland laga dhadhansanaayo jaceeylka qabyaalada waqtigaan taas uu u wacan yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi