Axmed Dowlo dadkii dilay oo Maxkamad lasoo taagay!!

Reading Time: < 1 minute

Maanta oo arbaco ah Maxkamada gobolkan Banaadir ayaa  la horkeenay 7 ruux oo ku eedeysan dilkii iyo gubidii Bishii Setember ee sanadkii 2018  Magalada Muqdisho loogu geystay Marxuum la oran jiray Axmed muqtaar Dowlo.

7 ruux oo lagu eedeeyey dilka Marxuum Axmed Dowlo ayaa la xiray, iyada oo sababta loo dilay ahyed in wiil uu Adeer u yahay uu guursaday Gabar ay deris ahaayeen balse reerkeeda ay sheegeen in Gabadhooda uusan u qalmin in uu guursado wiilkaas sabab la xiriirta heyb soocid.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay go’aan rasmi ah ka gaarto dad loo heysto dilka marxuum Axmed Dowlo oo gaaraya ilaa 7 Ruux.

Dilkaas ayaa hadal-heyntiisa waxa ay noqotay mid gaartay guud ahaan Soomaaliya,hayeeshee dhowr bil kadib ay istaagtay,waxaana la ogeyn halka ay ku dambeeyeen wiilka iyo Gabadha la isku diiday oo isla baxsaday.