Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan , Axmad Madoobe ayaa warqad qoraal ah oo siyaasadeeysan uu u diray madaxweyne Farmaajo, wuxuu ku dalbaday in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac.
Qoraalka wuxuu ku sheegay inaysan suurtagal ahayn inuu soo socdo khilaafka iyo isggaran waaga ka jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedka. Hadalka ka soo yeeray Axmad Madoobe ayaa waxa god u qodoyaa M Farmaajo hadii uu diido in ka soo jawaabo ama uu u arko laciiftinimo dhanka Axmad Madoobe iyo reer Jubbaland.
Axmad ayaa beesha caalamka kula talisay in uu qoraal noocaasi ah u qoro dowlada dhexe isaga oo muujinaya in uu diyaar u yahay in wadaxaaajood uu la furo dowlada Fedaraalka taas oo galinaysa Farmaajo xaraj keeni doono in beesha caalamka si tous ah ula macaamisho Jubbaland.
“Waxaan soo jeedinayaa innagoo u hoggaansamayna dastuurka iyo shuruucda dalka u degas oo kala qeexaya awoodaha ay kala leeyihiin labadda heer dowladeed in man si dhakhso u dhamayno khilaafka soo jiitamay ee aan wax natiijo ah laga gaareynin” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Qoraalkaan ayaa imaanaya iyadoo maanta ay Golaha Wasiirraada Xukuumadda Federaalka ay taageereen go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii aan loo marin habraaca saxda ah ee ka dhacay magaaladda Kismaayo.
Axmad Madoobe ayaa la filayaa in shirka soo socda ee wadamada deeqaha bixiya uga hadlayaan arimaha Soomaaliya in si toos ah loogu martiqaado hadii xal loo waayo qilaafka kala dhaxeeya dowlada Fedaraalka.
Dhanka kale caleemasaarka Axmad Madoobe ayaa la filayaa in ay ka soo qaybgalaan wafuud ka kala socoto guud ahaan dalka Soomaaliya iyo wadamada Dariska ah, taas oo dhibaato siyaasadeed gaarsiin doonta hogaanka Farmaajo.
