Axmad Madoobe oo kuraastii Garbahaareey u xawilayo Ceel Waaq! Maxa ka dhalan kara?

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay  oo aan ka helnay Xafiisyada Rooble iyo Axmad Madoobe ayaa sheegaya in labada dhinac isku waafaqeeyn in doorashada Garbahaareey loo xawilo Magalaada Ceel Waaq oo ku dhaw xuduuda dalka Kenya.

Xulashada kuraastaas ayaa waxaa la qorsheynayaa in lagu dhameeyo mudo dhowr saacadood ah, sidii ka dhacdau Boosaaso oo kale, iyada oo aan laga talagalin shacabka ku dhaqan Gobolka Gedo.

Dhanka kale, qaar kamida siyaasiyiinta ka soo jeedo Gobolka Gedo  ayaa dhankooda ku goodiyay in ay qabsan doonaan doorasho ay iyaga maamushaan, hadii la isku dayo in Ceel Waaq loo raro doorashada loo asteeyay magalaada Garbahaareey.

Waxaa jira cabsi laga qabo in xaalada doorashada Jubbaland ay gesho xaaalad cosub oo dhaawici doonta geedi socodka doorashooyinka dalka.

Beesha Caalamka ayaa horay uga soo horjeesatay in la qabto waxa ay ugu yeereen “parallel process”  oo macnaheedu yahay in aan doorasho lagu qaban karin deegan ka baxsan Garbahaareey.