A. Madoobe oo ku eedeeyay Rooble inuu waqti ku luminayo shaqo aan loo dirsan

Reading Time: < 1 minute

Kulankii maanta  ee Golaha Wadashiga Qaran ayaa waxa looga hadlay arimaha amniga doorashada iyo tan dalka iyo sida loola dhaqmayo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Kulanka oo ahaa mid aad looga dooday arimaha kor ku xusan ayaa waxaa dhaaliil  adag loogu soo jeediyay Ra’iisal Wasaare Rooble iyada oo loo sheegay in uu waqti galiyo arimaha loo igmaday ee doorashooyinka waqtina uu ku lumin dagaal aan muhim u ahayn  geedi socodka doorashooyinka.

Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa ku eedeyaya RW Roobe in uu sameeyanayo waxa uu ku sheegay “rarka laga badinayo ratiga” taas oo uu ula jeeday in Rooble kursigiisa u isticmaalayo inuu dagaal siyaasadeed oo aan muhim hayan uu ku galo.

Shirkii maanta ayaa lagu kala soo tagay iyada oo aan wax go’aan ah laga gaarin arimaha amniga dalka iyo doorashooyinka, iyo qaabka loola dhaqmayo madaxweyne Farmaajo.

“Ina adeerow, intaa naga deysid ila meraysada aad ku jirta, shaqadii laguu igmaday qabso, taas oo ah doorasho, uma baahnin in aan waqti ku lumino dhacdooyin la soo dhaafay? war maxaa kaa qaldan?” Sidaa waxa yiri Madaxweyne Axmad Madoobe.