Axmad Madoobe oo hogaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Halka Villa Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay burburinta hay’adihii dowliga ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)  ayaa waxa uu hoganaka u hayaa dagaalka ka dhanka ah Kooxaha nabaddiidka ah. Waxaa magaalada Afmadow iyo nawaaxigeeda weli ku sugan ciidankii uu hogaaminayay Axmad Madobe. Inta uu halkaa ku sugnaa ayaa Madaxweynuhu waxa uu kulamo gaar gaar ah  la qaatay laamaha Amniga degmooyinka Qooqaani iyo Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka ayaa lagaga hadlayay dardar galinta howlgalka xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe oo ay hadda Maamulana dagaalmayasha Al-Shabab,hayeesheeMaamulka Jubbaland uu u diyaar garoobayo sidii uu uga saari lahaa.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay sugida Nabadgalyada deegaanada ku jira gacanta maamulka iyo sidii Maamulada deegaanada ku dhow Degmada Afmadow ay u dardar galin lahayeen howlahooda Shaqo.

MW Axmad Madoobe oo la hadaya ciidanka ku jira jiida hore ee dagaalka

Axmad Madoobe iyo ciidanka Jubbaland