Axmad Madoobe oo guri u gaar ah kireystay, Ciidan ilaale ahna keensaday Muqadishu! Sabab?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta ku soo  wajahan magaalada Muqdisho, safarka Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa daba socda socdaalkii todobaadyo ka hor ku tagay Kismaayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Axmad Madoobe oo horay marti ugu ahaan jiray dowladda Soomaaliya isla markaana la dajinjiray degaan dowlada leedahay ayaa Safarkaan waxaa wax  ka badalay joogitaankiisa Muqadishu.

Waxaa la sheegayaa inay la socdaan ciidamo hubeysan oo sugaya ammaankiisa, kuwaasoo lagu qiyaasay inay gaarayaan kontameeyo, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka socday Muqdisho diyaar garow la xiriira imaanshihiisa iyo diyaarinta gawaarida dagaal ee la saarayo ciidamada uu wato.

Waxaa jira cabsi badan oo la xiriirta amaanka Axmad Madoobe iyo qorshooyin loo maleegay kaas oo laga yaabo in noloshiisa dhib loogu geysto. Sirdoonka caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa u digay Axmad Madoobe taas ayaana keentay in uu guri gaar uu kireysto, ciidan gaar ahna la yimaado Magaalada Muqadishu.