Axmad Madoobe: “hadii Farmaajo garan wayay in uu Kismaanyo yimaado aniga aya Xamar ugu tagayo”

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa la filayaa in uu dhawaan tago Magaalada Muqadishu. Sida uu MOL u sheegay Agaasimaha xafiiska Madaxweynaha, Axmad Madoobe yaa safarkiisu daba socdaa kulankii Xassan Kheyre ku tagay magalaada Kismaanyo.

Ujeeda safarka ayaa lagu sheegay dhameeystirka qodobadii lagu soo heeshiyay amaba looga wadahadalay kulankii Kismaanyo. Axmad Madoobe ayaa sheegay in uusan jeclaynin in uu Muqadishu tago laakiin heshiiska ayaa sidaa ahaa. MW Axmad Madoobe ayaa yiri “hadii Farmaajo garan wayay in uu Kismaanyo iigu yimaado aniga ayaa ka roonaanayo oo Muqadishu  ugu tagaayo”. Hadalkaan ayaa ah mid lagu durayo MW Farmaajo.

Maadaama Madaxweyne Farmaajo uu yahay madaxweynhii dalka oo dhan, Axmad Madoobe ma wax uu ka filaayay in isaga loo tago?.

Xayeeysiin