Axmad M. Baasto oo ku celiyay in uu yahy Madaxweynaha rasmiga ee Galmudug, DFS ay aqoonsan tahay

Reading Time: < 1 minute

Axmad Maxamuud Baasto oo dhowr bilood ka hor uu Ra’iisal Wasaare Kheyre u caleema saaray in uu yahay Madaxweynaha rasmiga ee Galmudug ayaa maanta shirk jaraa’id uu ku qabtay hotelka Sayid ee uu ka degan yahay magaalada Muqadishu. Baasto ayaa mar kale ku celiyay in ay dowladda Fedaraalka ay goobjoog ka ahayd halkii lagu doortay isla markaana ay siisay aqoonsi buuxa. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu shirar kala duwan la qaatay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha inta ayan u dhoofin magaalada Garowe.

Xukumaada Kheyre ayaa waxa ay bixisaa dhamaan dhaqaalaha ku baxa Axmad Maxamuud Baasto inta uu ku sugan yahay magaalooyinka Muqadishu iyo Cadaaddo. Waxa sidoo kale a shaqeeya Baasto Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Galmudug Maxamed Carabeey iyo Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Galmudug. Labadaan mas’uul ayaa waxa horay cod shaqo fariisan ah u qaaday baarlamaanka Galmudug oo ku shiray magagaalada Dhuusamareeb.

Ilaa iyo markii Baasto lagu caleema saaray magalaada Cadaado, Xassan Cali Kheyre marnaba  kama uusan gaabsan taagerida uu u hayo Axmad Baasto. Dhaqalaaha ku baxa Axmad Baasto waxaa bixisa dowlada dhexe. Su’aasha isweydiinta u baahan ayaa ah, dowlada Farmaajo shaqsigee ayay u aqoonsan tahay madaxweynaha rasmiga ee Galmudug?. Hadaba Hadii Farmaajo ay run ka tahay in uu aqoonsan yahay Madaxweyne Xaaf waa in ay marka hore ka hadal siiyaan Axmad Baasto oo uu ka noqdaa beenta uu u soo dhiibay Xassan Cali Kheyre.

Waxaan shaki ku jirin in Xassan Kheyre  damac kaga jiro in uu xoog uga qaado kursiga Madaxweyne Axmad Ducaale Xaaf. Go’aankastaa ee ka soo baxa Garowe waxa uu noqon doonaa mid aan la fulin doonin.