Awoodda kooxda Daacish oo kusii kordheysa magaalada Muqdisho (Warbixin)

Reading Time: < 1 minute

Sida ay u xaqiijiyeen MOL ganacsato dhowr ah, Maleeshiyaadka kooxda Daacish ay kusoo badanayaan Magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegayo in ay jirto goobo ay dhalinyaradu ugu wacyigeliyaan afkaartooda qaldan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay hab cusub u fuliyaan weeraradooda qorsheysan oo ay ka geeysanayaan gudaha Magaalada Muqdisho iyagoo ka duwan ficilada Alshabaab ay sameeyaan.

Maleeshiyaadka Daacish ayaa la sheegay in ay soo iibsadeen Mooto Bajaajyo aad u badan, waxaana ay u isticmaali doonaan bajaajyada rag Daacish u qaabilsan fulinta dilalka qorsheysan iyadoo xiliyada qaarna ay qabanayaan howlaha basaasnimo, tirada ilaa iyo hada la sheegay bajaajka ay isticmaalaan Daacish waa 13 bajaj oo ay wadaan dhalinyaro lagu tashkiiliyay gudaha Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay xooga saareen Ururka Daacish sidii ay dhaqaalo uga qaadi lahayeen ganacsatada Muqdisho iyadoo xiligaan ay ku guuleysteen in ay ganacsatada qaar ka qaadaan lacago baad oo aan laheyn qiimo go’an, sidoo kale waxa ay sameeysteen koox si toos ah goobaha ganacsi ula xiriira una sheega waxa laga rabo ganacsatada muddana u qabta hadii la dhaafana waqtigii ay u qabtaan ama ka dhago adeega waxa ay ku xukumaan dil.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!