Awaamiir lagu soo rogay shacabka ku nool Deegaanada Maamulka Hirshabeelle

Reading Time: < 1 minute

Taliska Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Amar kasoo saaray In Wax Hub ah lagu dhex qaadan karin Magaalooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Qalabka Sida Gen. Maxamuud Macalin  Koronto oo Awaamiirtan ay kasoo baxday Xafiiskiisa , waxaa lagu sheegay in guud ahaan hub laga Mamnuucay in lagu dhex wato Magaalooyinka Hirshabeelle.