ATMIS oo sheegtay in kabadan 3500 Askari loogu dilay gudaha Soomaaliya

SOMALIA, Belet Weyne: In a photograph released by the African Union-United Nations Information Support Team 16 November, soldiers of the Djiboutian Contingent serving with the African Union Mission in Somalia (AMISOM) stand to attention during the arrival of further troops to the central Somali town of Belet Weyne, approx. 300km north west of the Somali capital Mogadishu. The air lift is part of a deployment to begin boosting the just over 300 personnel already on the ground to approx. 1,000 troops serving under the UN-supported AU mission in Somalia. AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.
Reading Time: < 1 minute

Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciidamada hawlgalka ATMIS uga dhintay iyo kuwa uga dhaawacmay muddada ka badan 16-ka sano ee ay joogeen Soomaaliya.

Waraysi uu siiyey VOA ayuu ku sheegay in kudhowaad 10 kun oo askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weeraro kala duwan oo ka dhacay Soomaaliya, Uganda iyo Burundi ayuu sheegay iney yihiin dalalka ugu badan ee waxueelada soo gaartay.

Waxa uu xaqiijiyey in ugu yaraan 3,500 oo askar ah oo tiradaas ka mid ah ay dhinteen, 4,000 oo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Madaxa ATMIS ahna wakiilka midowga Afrika ee dalkan Souef ayaa sheegay in ciidanka ATMIS ay Soomaaliya u yimaadeen in ay umadda Soomaaliyeed ka caawiyaan dib u yagleelida dowladnimadeeda.