Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS Ex Amisom) ayaa shaaciyey caawa inuu Bandow ku soo rogayo xeradda Xalane inta u dhaxeysa 26 ilaa 28 bishan April 2022.
Qoraal ksoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay inay la-tashi ay la sameeyeen Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, kadibna ay go’aanka bandowga soo saareen, arrintan ayaa ka dhigan inay ATMIS si buuxda ula shaqeyneyso Ra’iisal wasaare Rooble.
Xilliga lagu soo beegay Bandowga ayaa waxaa dhacaya yahay Doorashada Guddoonka Labda Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
ATMIS waxay qoraalkeeda ku cadeysay in la xiray guud ahaan Xarunta Xalane oo ay ku jirto Afasiyone oo ah goobta doorashadda ay ka dhaceyso, iyadoo aan la ogoleyn wax dhaqdhaqaaq ah, lana xiray goobaha kala duwan ee Xalane.
Howlaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa si caadi ah u socon dooona inta uu socdo bandowga ayna dhacayaan Doorashooyinka Gudoonka labadda Aqal.