Askarta Dowlada oo dil joogto ah u geeysaneeyso dhalinyarada shaqo abuurka helay (Maxeey tahay sababta)

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya degaanka Garasbaaley ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya uu maanta degaankaasi ku dilay nin Mooto Bajaajle ah ka dib markii ay murmeen.

Ninka dilka gaystay ayaa caan ka ah degaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaa lagu magacaabaa C/qaadir Ibraahim Caddow, wuxuuna dilay Alle ha u naxariistee Carab Siidow oo ahaa Bajaajle ka shaqeeya dgaanada duleedka Muqdisho.

Askariga dilay ninkaan Mooto Bajaajlaha ah ayaa horay naafo uga dhigay Aabihiis Ibraahin Caddow, kadib markii uu xabado kaga dhuftay lugaha.

Gacan ku dhiiglaha falka dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobtii uu ku dilay marxuumka, iyadoo aysan jirin cid daba gashay oo gacanta ku soo dhigtay.

Ciidamada degaanka garasbaaley ayaa baadigoobaya askariga falkaasi arxandarada ah aabihiis horay ugu gaystay, maantana dilay ninka Mooto Bajaajlaha ah.