Askari Soomaali Mareeykan ah oo ku geeryooday Gobolka Minnesota

0

Maxamed Maxamuud waxaa uu ka midaha Ciidamada Mareykanka ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka.

Waxaa uu ku dhaawacmay Rasaas 9kii Bishan ka dhacay Gobolkaas,waxaana la geeyay Isbitaal halkaas oo uu todobaad ka badan oo uu ku jiray ugu dambeyn ugu geeriyooday.

Hooyadiis Aamina Maxamuud ayaa sheegtay in wiilkeeda uu aad u jeclaa Diinta Islaamka islamarkaana ku xirnaan jiray Masaajidka.

Qaasim Busuri Agaasimaha Hay’adda Dacwah ee Minnesota, ayaa sheegay in Maxamed uu mar waliba ku xirnaa masaajidka ay maamusho hay’addiisa, marka uu Iskuulka ka imaadana toos u aadi jiray Masaajidka.

Walaashiis Caasho Maxamuud ayaa sheegtay in walaalkeed mar la keenay Soomaaliya isaga oo yar, Af Soomaaligana si fiican ugu bartay kaddibna lagu celiyay Mareykanka,maaddaama uu halkaas ku dhashay.

Qaasim Busuri ayaa sheegay in Maxamed uu ahaa qof fir fircoon,kaftan badan islamarkaana aad u edeb badnaa.

Booliska Minnesota, ayaa sheegay in ay wali baaris ku hayaan Rasaasta uu ku dhaawacmay Maxamed ee uu kaddibna u geeriyooday,waxaana ay da’diisu ahayd 22 jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here