Askari nin shacabka ah u dilay 5 kun oo Shillinka Soomaaliga oo dil toogasho lagu xukumay

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay askari Nin shacabka ah ku dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Askarigaan oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada deegaanka, uu si ku talo gal ah u toogtay marxuum Abuubakar Maxamed Nuurani isagoo u dilay shilimaad yar oo lacag ah taas oo dhan 5 Kun oo Shillinka Soomaaliga.

Falka dilka ah ayaa 10-kii Bishaan ka dhacay degmada Xamarweyne iyadoo ciimadaman ammaanka ay si deg deg ah u soo qabteen ninkan maanta la xukumay.

Qaar kamid ah ehellada Marxuum Abuubakar Maxamed Nuurani ayaa horey u dalbaday in cadaaladda ka horkeeno Askariga dilka u geystay Abuubakar, balse Manta ugu dambeyn xukun dil ah lagu riday.