Askari maanta lagu dilay magalaada Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Wararka imanaaya magalaada Baladweyne ayaa sheegaya i  Koox hubeysan ay Magaalada Baladweyne gaar ahaan Xaafadda Kooshin ku dishay Askari katirsan Ciidamada ammaanka oo lagu magacaabo Xasan Maxamuud, waxa ay horay usii qaadatay qorigii uu watay.

Warka ayaa intra ku daraya in Askariga la dilay uu la socday Mooto Bajaaj, dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada ammaanka oo sameeyay howlgallo ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay toogashada Xasan iyaga oo xiray shaqsiyaad ay uga shakiyeen.

Dhanka kale Xaafadda Kooshin waxaa ka socda howlgallo ay wadaan Ciidamada ammaanka kaas oo lagu raadinayo cidii ka danbeeysay dilka askariga, inkasta oo aanay jirin faah-faahin ay bixiyeen Saraakiisha Booliiska, Maamulka Degmada & Kan Magaalada Baladweyne.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!