Askari katirsan Ciidanka dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubeysan ayaa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa ay Maanta ku dileen askari katirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rag ku hubeysnaa bustoolado ay Xaafada Wajeer ee degmada Kaaraan ku dileen askariga oo lagu Magacaabi jiray Axmed Yare.

Alle ha u Naxariistee Askariga ayaa kamid ahaa ilaalada Sarkaal katirsan Ciidamada Millateriga oo Magaciisa lagu soo koobay foofoo kana howlgalla Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana askariga la dilay uu siweyn ula dagaalami jiray Burcadda dhaca geysta.

laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Kaaraan ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay Askarga katirsanaa Ciidamada Millateriga siwyena looga yaqaanay degmada Kaaraan.