Askari Katirsan Ciidamada Amaanka Oo Lagu Dilay Degmada Hodan

Reading Time: < 1 minute

Koox Hubeysan ayaa waxay dil qorsheysan ka fuliyeen Magaalada Muqdisho iyadoo warar dheeraad ah la helayo.

Dilka ayaa waxa fuliyey Labo Dhalinyaro ah oo Bistoolado watay islamarkaana ay toogteen Askari katirsan Ciidanka Dawlada Soomaaliya.

Waxa uu dilka ka dhacay Degmada Hodan,waxaana gacan ku dhiiglayaasha ay iskaga baxsadeen goobta dilka kadib.

Askariga la dilay ayaa ilaalo u ahaa Mas’uul weli magaciisa la ogaan oo dawlada ushaqeeya,xilliga weerarku dhacana waxa ay kusugnaayeen meel gaari ay wateen lagu dhaqayey (Labaajada Gaadiidka lagu dhaqo).

Ciidan katirsan kuwa dawlada Soomaaliya ayaa goobta gaaray dilka kadib,waxaana aysan aheyn markii ugu horeysay oo bistooladleey ah dil inta ay geystaan ka baxsadaan Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay Dilkaasi balse weerarada nuucaan oo kale ah waxaa caan ku ah oo sheegta Ururka Al Shabaab.