Askari katirsan Booliska Soomaalai oo dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu gaystay Magaalada Muqdisho.

Reading Time: < 1 minute

Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka  gaar ahaan Booliska ayaa goordhow qof shacaba ku  dilay mid kalana ku dhaawacay gudaha magaalada Muqdisho.

dilka ayaa ka dhacay meel u dhow koontarool ciidamada Booliska ay ku leeyihiin isbilaatalka Masaardida ee degmada Hodan.

wararka ayaa intaasi waxa ay ku daraya inuu askarigii dilka iyo dhaawaca  geystay uu goobta ka cararay, ciidamadii goobta ku sugnaa ayaana ku guul dareystay in ay gacanta ku dhigaan askarigii falka geystay.

Dhanka kale waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ku aadan dilka iyo dhaawaca ka dhacay dagmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Dilalka iyo dhaawacyada ciidama ammaanka ay u geystaan dadka  shacaka gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa soo lab laabtay mana jiraan ilaa iyo hadda xal laga gaaray oo lagu baajinayo dhiiga shacabka ee maalin waliba daadinayaan ciidama dowladda.