Askari ka tirsanaa Ciidanka Xooga Dalka oo xalay lagu dilay dagmada Kaaraan

Reading Time: < 1 minute

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo ku hubeysnaa Bastoolad oo xalay gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilka loo geystay Askariga uu ka dhacay meel ku dhow Masaajidka Xasan Warsheekh ee degmada Kaaraan, wuxuuna Askariga u dhintay xabbado looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Askariga ka tirsanaa Ciidanka Milateriga dowladda ee la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cali Hiraabe, waxaana goobta uu falku ka dhacay si dhaqsi ah uga baxsaday dadkii dambeeyay dilkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana ka qaaday Meydka Askariga, mana jirto cid la sheegay in loo soo qabtay dilkaas xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaaekood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan dabley hubeysan, waxaana inta badan dilalka ka dhaca Magaalada mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.