Askari ka Tirsan Ciidanka Dowlada oo ruux dhalinyaro ahaa ku dilay Buula-mareer (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo gobolka shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Buula-mareer, Askari katirsan ciidamada dowladda ayaa deegaankaasi ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa

Goobjooge ayaa u Sheegay MOL  in Askariga uu toogtay wiilka, kadib markii uu diiday inuu bixiyo lacag u dhaxeysa 5 kun ilaa 10 oo aheyd Lacagta Shilinka Soomaaliga

Askariga dilka geeystay ayaa goobta ka baxsaday sida aan wararka ku heleeyno,waxaana arrinkaan uu yimdi iyadoo muqdisho uun lagu ogaa gumaadka dhalinyarada.