Iyada oo amniga magaalada Muqdisho ka sii darayo maalinba maalinta ka danbeeysa ayaa saakay waxaa si naxariis daro ah loo toogtay Isgooska Zoobe will dhalinyaro ah oo ka tmida dahalinyarada ka shaqeeysata magalaada Muqdisho.
Dilka ayaa la sheegayaa in uu geeystay nin lagu sheegay in uu katirsan yahay ciidanka dowladda Federaalka Soomaalya.
Dilkaan ayaa ku soo beegmaya saacado uun kadib dagaalkii dhimashada badan sababay ee xalay ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Muqdisho. Magaalada Muqdisho ayaa gashay xaalad amni daro oo saameysay dhamaan nolosha dadka ku dhaqan magaalada