Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta si ula kac ah ku dilay Darawal Mooto Bajaaj. Askariga dilka geystay ayaa isaga cararay goobtii uu dilka ka geystay.
Shacabka degaanka oo arkayay dilka ulakaca ee lagu sameeyay wiilka Bajaaj laha ayaa durbadiiba bilaabay banaanbax, iyaga oo careysan ayay xirteen wadadii dilku ka dhacay.
Ma aha markii u horeeysan oo ciidanka dowlada beegsadaan darawalada masiikiinta ah ee ka xamaasha magalaada Muqdisho iyaga oo ku shaqeeyo xaalad xun ayaa hadana Gobolka Banadir ka qaataa lacag fara badan.
Dowlada Federaal Iyo Gobolka Banadir labada ilaa iyo hada kama eysan hadlin dilka loo geystay muwaadinkaas.