Askari ka Tirsan Ciidamada Nabad Sugida oo lagu Dilay Degmada Waaberi Ee Gobolka Banaadir

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubeysan ayaa Caawa  waxey degmada Waaberi ku dileen askari katirsanaa Ciidanka nabad Sugida Somaliya,Waxaana askariga la dilay uu ku sugnaa Goob aan ka Fogeeyn Xarunta Dekadda Waaberi  dhowr xabadood  oo looga dhuftay qeybta Sare ee Jirka ayuu u geeryooday, Dableydii dilka geysatay ayaa durbadiiba isaga Baxsatay goobta ay dilka ka geysteen.

Goob Joogayaal ka agdhwaa halka dilka uu  ka dhacay ayaa soo sheegaya in Askariga la dilay uu ka tirsanaa Nabad Sugida Kuwooda dhar Cadka ah, Raga dilka geystay oo labo Dhalinyaro ahaa ayaa dhowr Xabadood qeybta sare ee Jirka kala dhacay Marxuumka geeriyooday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhay dilalka ay geysanayaan dhalinyarada Bistooladaha wadata, iyadoo ciidamada amnigu joogaan isgooys walbo