Hal Qof oo dumar ah ayaa dhintay 6 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, kadib markii Askari ka tirsan ciidanka Dowladda uu rasaas oodda kaga qaaday Gaari hoomey ah oo ay saarnaayeen dad Shacab ah oo ka yimid aroos xilli ay marayeen agagaarka Isbitaalka SOS
Meydka iyo dadkii ku soo dhaawacmay ayaa hadda la keenay Isbitaalka Madiina waxaana socda gurmad caafimaad oo wax looga qabanayo xaaladda naxdinta leh ee dadkaas farxadda ka yimid balsa ay masiibadu ku habsatay.
Dadka Muqdisho ayaa ku cadaaban xaaladdaan dhibta badan oo aan cidi uga damqan. Gaariga ayaa Goobjoogayaal MOL waxa u sheegeen in uu rasaasta ku furay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana dhashay khasaarahaas nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dawladda ayaan waxba ka dhihin dhacdooyinka noocan ah oo mar waliba magaalada ka dhaca iyadoo dad shacab ah si ula kac ah xabad loo huwiyo iydoon loo kala aaba yeelin, mana dhacdo in cid loo soo qabto falalka noocan ah.
Tani waxay caddeyneysaa in ammaanka caasimadda uu faraha ka sii baxayo, mana jirto cid ka warqbtaa waa dhacaya.