Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka DFS oo xalay dil ka geystay degmada Waabari ee G/ Banaadir.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/naasir Aadan Cabdi, waxaana uu ahaa Wade Mooto Bajaajle ah, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.
Askariga dilka geystay ayaa haatan ku xiran Sadlhigga degmada Waabari,sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah ehelllada Marxuumka.
Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan dilal loo geysanayay wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ee ka howlgala M/Muqdisho.
https://youtu.be/h08bqn7fgfs