Askari dilay Darawal Mooto Bajaaj oo gacanta lagu dhigay

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Somaliya ay gacanta ku dhigeen askari ka tirsan Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo xalay dil ka gaystay Magaalada Muqdisho.

Askarigan oo magaciisa lagu soo koobay Cabdulle ayaa waxaa uu xalay Degmada C/casiis, gaar ahaan agagaarka Xeebta Liido uu ku dilay darawal mooto bajaajle, oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Maxamed Siciid.

Dilka ayaa yimid ka dib markii uu murun soo kala dhexgalay askariga iyo darawalkii mooto bajaajlaha, taasoo keentay in askariga uu rasaas huwiyo mooto bajaajlaha.

Askariga oo ka baxsaday goobta uu dilka ka gaystay ayaa waxaa mar dambe suurta-gashay in ay gacanta ku soo dhigaan askar ka tirsan Booliska Degmada Cabdicasiis.

Cabdiqaadir Yaxye Faarax oo ka tirsan Booliska Degmada Cabdicasiis ayaa  sheegay in askarigaasi iminka lagu hayo mid ka mid ah xarumaha laamaha amniga ee Magaalada Muqdisho.

Cabdiqaadir Yaxye ayaa tilmaamay in laamaha amnigu ay su’aalo weydiinayan askarigaasi, ka dibna la qorsheynayo in la horgeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si ay sharciga ugu qaaddo.

Askar ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka baxsaday gacanta sharciga, ka dib markii ay Magaalada Muqdisho ku dileen qaar ka mid ah darawalada mooto bajaajta.