Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta ufariisatay dacwada askari dhawaan dil ugeestay Wiila Bajaajle ahaa oo ku sugnaa Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan,iyadoona xuku ku riday.
Mahad Xuseeen shiidow oo 20-sano jir ah ayaa Magaalada Baladweyen waxuu maalmo ka hor ku dilay wiil Bajaajle ahaa oo lagu magacaabi jiray Yasiin Cali Saneey, waxaana maxkamadeentisa loo soo gudbiyay Magaalada Muqdisho.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxuu sheegay in askariga oo si barer ah udilay wiilka Bajaajlaha ahaa, waxuuna xusay in labo xabadood uu ku dhuftay 27 bishii aynu ka soo gudubnay Setember,
Sidoogale Gaashaanlaha ayaa sheegay in xeer ilaalilnta ay kiiskan usoo gudbisayMaxkamada Ciidamada Qalabka sida ,waxaana ugu danbeen lagu xukumay dil toogasho ah.
Askarigan ayaa marku dilay wii;lkan Bajaajlaha waxaa magaalada Baladweyne ka dhacday in wiilka ladilay askar ku heyb ah ay weerar ku sooqaadan Saldhiga askariga lagu xiray wxaana maalmo magaaladasi ka taagneed xiisad ka dhalatay