Askar ka wadatirsan ciidamada Somaliland oo isku rasaaseeyay Magaalada Hargeysa

Reading Time: < 1 minute

Waxaaa maanta isku rasaasey magaalada Hargeysa laba askari oo ka wada tirsan ciidamada Somaliland ayaa goor dhawayd dil iskugu gaystay degmada Maxamed Mooge ee  ka tirsan magaalada Hargeysa.

Dad ku sugan magaalada Haygeysa ayaa  xaqiijiyey in laba askari oo ka mid ah ciidamada qaranka somaliland ay rasaas isku waydaarsadeen agagaarka xanaanada TB-da ee degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, rasaastaas ayaa keentay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac culus oo uu u geeriyooday soo gaadho, halka askarigii kalana ka baxsaday goobtii uu dilka ku gaystay.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay inaan wali gacanta lagu dhigin askariga dilka gaystay,waxaanay wararku xaqiijiyeen in labadan askari ay isku haysteen dhul loo qaybiyey ciidamada qaranka oo ku yaala degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, waxaana askariga la dilay lagu magacaabi jiray Ina Daadays, halka askariga dilka magaciisa lagu soo koobay Dacar.

Taliska guud ee ciidamada qaranka somaliland ayaan ilaa hada ka hadal falkan dhacay, iyada oo maydka askariga dhintayna la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.