Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaaladda Laascaanood waxa lagu dilay dagaalka Laascaanood askar ka tirsan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.
Warka ayaa sheegaya in uu halkaas ku dhintay sarkaal lagu sheegay magaciisa Taliye Carabeey oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Soomaaliya ee lagu soo tababaray dalka Turkiga oo dhawaan Muqdisho uga yimid si uu uga barbar dagaalamo Kooxaha ka dagaalamaya gudaha magaalada Laascaanood.
Warkaan oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayan ka hadlin. Sarkaalkaan oo hadii run noqoto dhimashiisa ayaa noqonayaa saraakiil si qaasa isku xil qaamay inuu dagaalka uga qaybgalo si uu u difaco beesha Dulbahante oo uu ka isagu soo jeedaa.
Waxaa kaloo jira ilaa afar askari oo ka tirsan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ay ku dhintay dagaalka beesha Dhulbahante ay ku difaracayaan magalaada Laascaanood. Dowalada Somaliland ayaa in mudo ku celcelinaysay in ay dagaalka ku jiraan ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka iyo kuwa Puntland.