Askar Itoobiyaan ah oo lagu qabtay dagaalada ka socda Galgaduud (Caddeyn+Video)

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaalo ka qarxay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo u dhexeeya labo beelood oo wada deegaanadaas gaar ahan belaha Habargidir iyo Mareexaan.

Dagaal u dhexeeya maleeshiyaad ka tirsan beelaha Habar Gidir iyo Mariixaan oo ku dagaalamaya gobolka Galgaduud aya waxaa maanta maleeshiyadka beelaha Habar Gidir ay nolol ku qabteen maxaabiis.

Baaritaan lagu sameeyay maxaabiista ayaa waxaa laga helay aqoonsiyo ay siteen oo caddeyanaya in ay ka tirsan yihiin ciidamada Itoobiya.

Maleeshiyada aya nolol ku qabtay maxaabiis tiradooda lagu sheegay 21 oo isugu jira Soomaali & Itoobiyaan. Dagaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo khasaare intaan le’eg ka geysta deegaannada gobollada dhexe ee Soomaaliya tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya geeysay deegaanada hub iyo daawooyin loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadow Shabab.

 

Advertisements
Xayeeysiin