Asad Diyaano oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Sida aan wararka ku heleeyno waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Asad Cusmaan Diyaano oo ahaa ruuxii looga guuleystay wareegii ugu dambeeyay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ee maamulka Puntland,iyadoona si waanagsan loosoo dhaweeyay.

Genaral Asad Diyaano ayaa kusoo baxay doorashadii Puntland ka dhacay 8 Janaayo sanadkaan 2019, waxaana uu yimid wareegii ugu dambeeyay oo aan laga fileysan.

Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Asad Dyaano, waxaana uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo safarkiisa magaalada Muqdisho.