Reading Time: < 1 minute

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay xil ka qaadistii uu baarlamanka Soomaaliya ku sameeyey ra’iisul wasaraihii hore ee dalka xasan Cali Kheyre oo la riday sabtidii tagtay.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo jeediyey hadal ku aadan munaasabadda ciidda ayaa sheegay in hoggaanka dowladda Soomaaliya “ay isku khilaafeen la dagaalanka diinta iyo kuwii u adeegayey,” sida uu hadalka u dhigay.

Cali Dheere ayaa sheegay ceyrinta Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay muujisay wejiga dhabta ah ee hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay soo baxday wixii ay ka qarinayeen shacabka, oo uu sheegay inay isugu muujinayeen kuwa dantooda ka shaqeynayey.

“Waa kuwaas maanta wixii ay sanado badan soo dhisayeen gacantooda ku duminaya, gaaladii dhaqaalaha iyo ciidanka ku taageereysayna ay canaanta la daba taagan yihiin, kana shallaaneyeso wixii hanti iyo taageero kaga baxay,” ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere, wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre ay ku celcelin jireen, in ay yihiin madax daacad ah oo dalkooda u adeegaya, islamarkaana hormarkiisa ka shaqaynaya, balse kala-tagooda uu muujiyay in mid kasta uu watay dantiisa shakhsiyeed, sidaasna ay ku kala boodeen.

Sidoo kale, Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayuu ku tusaaleeyay in ay lamid tahay buul-caaro, oo si fudud ku dumaya, isagoo xusay in ay hadda cagta saartay wadadii burburka, kadib Ridistii Ra’iisul wasaare Khayre, sida uu yiri.

Cali Dheere wuxuu ka hadlay duqeyn diyaaradaha Maraykanku ay laba maalmood ka hor ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay saddex carruur ah oo keliya, balse aysan jirin xubno ka tirsan kooxdooda oo ku dhintay.